Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Maamulka Gooni goosadka ayaa sheegaya in qeyb ka tirsan Xoogaga Amaanka ay afduubteen Wadaad ka mid ah Culimada ku nool degaanada Maamulka Somaliland ee sida weyn uga hadla Cadaalad darada & Dulmiga…
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay afduubteen Sheikh Mustafe Cabdi Cumar oo Magaalada Hargeysa iskaga tagay kadib markii dhowr jeer hanjabaado loo jeedoyat xilligii Maamulkii Biixi oo Xoogaga Amaanka ku amray iney dhowr jeer weeraraan Hoyga Wadaadka ayaa dhowaan ku soo laabtay Magaalada Hargeysa kadib markii Mr.Cabdiraxmaan Ciro loo doortay Hogaanka Maamulka.
Wadadkaan ayaa khudbadaha Jimcaha diirada ku saari jiray Dhaqanada xun ee Magaalada Hargeysa ka taagan iyo dagaaladii Laascanood iyo dulmiga kale uu ku kacayay Maamulkii Muuse Biixi kaasoo ku dhisnaa caburinta iyo cabsi gelinta, inkastoo aan la shaacin sababta loo xiray Wadaadka xitaa loo diiday Booqashada Ehelkiisa.