World Bank Oo Dowladda Federaalka u Oggolaaday Kab-Miisaaniyadeed.

Economie Somalia news

Warbixin ay soo saartay Hey’adda World Bank ayaa lagu sheegay in Guddiga Sare ee Maamulka uu ansixiyay Deeq dhaqaale oo dhan $75-millions oo loogu talagalay kab ka miisaanidda Dowladda, Deeqdaani oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO)…

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federalka oo Dhaqaale yari muddo bilooyin ah la daala dhaceysay ayaa si buuxda u soo dhaweyneysay, kana mahadcelisay taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Federaalka, Deeqdaan ayaa ku soo aaday xili adag oo Maamulka Villa Somalia uu barnaamijyo Dagaal iyo xakameyn baadka Kooxda Argagixisada ka wado Caasimada iyo Gobolada ku dhow.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee Dowladdu ay sheegatay iney horumqr yar ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxeyna sahlaysaa in si habsami leh ay u sii scodaan dadaalada aan aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

269370cookie-checkWorld Bank Oo Dowladda Federaalka u Oggolaaday Kab-Miisaaniyadeed.