Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka (FEIT) Oo B/Weyne Ku Sii Jeeda

Somalia news

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Federaalka (FEIT) ayaa maanta lagu wadaa lagu wadaa iney tagaan Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan si ay u kormeeraan goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka BFS…

Ilo Wareedyo ku dhow Mas’uuliyiinta safarka xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka federaalka ee Baladweyne ayaa Warsidaha Diinah.con news u sheegay in safarkoodu ay ku wehlinayaan xubno katirsan Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed, si Ay kormeer ugu sameeyaan goobaha lagu qabanaayo doorashada.

Magaalada Baladweyne oo ah goobta 2-aad ee Hir-Shabeelle lagu dooranayo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku metalaya Aqalka hoose waxaa ku yaalla goobo loo diyaariyay in ay ka dhacdo Doorashada.

Wafdiga ayaa qiimeyn ku sameynaya xarumaha ay tagaan si ay u hubiyaan in ay mudan yihiin ku qabashada Doorashada Golaha Shacabka, warbixin dhanka Amniga ayay ka dhageysanayaan Saraakiisha ammaanka ee Soomaalida & kuwa AMISOM.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xareynayo Ergada Beelaha si loo siiyo tababar kooban iyo kaararka aqoonsiga.

Rejo ayuu ka muujiyay in la bilaabo Doorashada Golaha Shacabka BFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka waxa uu ka dalbaday in uu ku dhawaaqo qabsoomidda doorashada laga sugayo.

144290cookie-checkGuddiga Hirgelinta Doorashooyinka (FEIT) Oo B/Weyne Ku Sii Jeeda