Share the post "Xoogaga PMPF Oo lagu Eedeeyay iney u Fududeeyaan Maraakiibta Jiraafka ee Sharci darrada Kaga Kaluumeystay Xeebaha…"
Xogo Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Xoogaga Hubeysan ee PMPF eeDaacada u ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu eedeeyay iney Maraakiibta iyo Doonyaha Shisheeye u fududeeyaan inay jarriif ka geystaan xeebaha degaanada Puntland, iyadoo dhaqaale yar ku bedesha..
Xuraano la helay ayaa tilmaamaya in Maleyshiyaad is abaabulay oo ka caraysan tallaaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay isku dhacaan Xoogaga hubeysan ee PMPF, kadib markii Horgalada Xoogagaan ay xir-xireen koox kaluumaysato ah, inkastoo markii dambe lasii daayay.
Saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada ayaa lasoo galiyay codka mid kamid ah salaadiinta dhaqanka Puntland oo ku baaqayay in kaluumaysatadu qoryaha qaataan iskana dhiciyaan Maleeshiyaadka PMPF iyo ajaanibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaysa xeebaha Puntland.
Beeldaaje Ismaaciil Baaldaaje Yaasiin oo ka mid ah ayaa ugu baaqay Kaluumeysatada “Waxaan idin leeyahay Badda gala. Iska soo saara PMPF, Amar waxaan ku siinayaa saraakiisha beeshayda inay ka degaan doonyaha ciidamada PMPF, Qof kastoo qori haysta waa inaad diyaar garowdaa,” sidaasi waxaa yiri Beeldaaje Ismaaciil.