Maxaa ka Dhab ah Qeybta Traafikada ee Boliiska lagu Eedeeyay iney Laaluush Qaataan..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tibaaxaaya in Taliska Boliiska Wadooyinka ee magaalada Mogadishu uu ka jiro Musuq maasuq kii xumaa, iyadoo Wadayaasha Gadiidka Dadweynaha, Bajajata si joogto ah looga qaado lacag baad ah, kuwaasoo shaqeeyo maalin dhaaf & Halka Gaadiidka kale ee shacabka wataan.

Xigtaan ayaa sheegtay in Taliska Boliiska Wadooyinka (Taraafiko) uu u muuqdo inuu raali ka yahay tacadiga iyo musuqa ka jira xaruntaasi, iyadoo taliyaha Booliska Soomaaliya uu ku dhiirran la’yahay inuu qaado tallaabooyin adag si musuq iyo xadgudubka xal loogu helo.

Wararka ayaa sheegay in Muwaadinka laga qaato 20$, Boonadana loogu qoro 100 kun oo shilin Soomaali ah una dhiganto 4$, Maamulka Xasan Gurgururte ayaa bilihii ugu dambeeyay sheeganaayay inuu bilaabay Olole, balse Dadka qaarkiis ayaa u arka “Ugaarsi Siyaasadeed” Maamulkii hore.

263590cookie-checkMaxaa ka Dhab ah Qeybta Traafikada ee Boliiska lagu Eedeeyay iney Laaluush Qaataan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com