Share the post "Xoolo Xalay Laga Dhoofiyay Dekeda Boosaaso Kuwaasoo Loo Iib Geeyay.."
Wararka naga soo gaaraya Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in howlgal Xoolo dhoofin ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Dekada Boosaasoo ayaa soo dhameystirmay xalay kadib tiro Xoolo isugu jira Geel Lo’ & Ari lagu daabulay Doonyo iyo Markab…
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uulka Maamulka Puntland u qaabilsan Xannaanada Xoolaha Puntland, Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa dekedda magalaada Boosaaso kaga qayb galay munaasabadda dhoofinta xoolahaan oo tiradoodu ay ku sheegeen iney dhan yihiin 20-Kun kuwaasoo la xaqiijiyay baaris Caafimaad la marsiiyay.
Iyadoo Xoolaha laga dhoofiyo Dekedda Boosaaso ayaa la mariyaa hannaanka hubinta Caafimaadka Xoolaha ee waafaqsan nidaamka ee Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha Caafimaadka Caalamiga ah, inkastoo aan la hubin in Dalalka Khaliijka ay kalsooni weyn ku qabaan xoolaha ka soo dhoofiyo Boosaaso iyo Berbera.