Dagaalka Laas caanood:- Qoysaskii Ugu Dambeeyay oo lagu Amray iney Magaalada ka Baxaan

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka SSC-Khaatumo ay ku amreen Boqolaal Qoys oo ku sugnaa magaalada Laascaanood, tan iyo intii uu bilowday Dagaalka Maleeshiyaadka Maamulka Muusr Biixi iyo Xoogaga Degaanka iney faarujiyaan Magaalada sida ugu dhaqsiyaha badan…

Maamulka ayaa ku wargeliyay Qoysaskaan jiritaanka u diyaargarowga dagaal culus oo dib uga bilaaban kara Magaalada Laascaanood maalmaha soo socda, kadib ku dhawaad muddo bil ah oo dagaal weyn uusan ka dhicin magaalada, si looga hortaggo khasaare Shacabka oo ka dhasha dagaalka, maadama duqeymo ay guryaha dadka u geysanayaan Maleeshiyaadka maamulka Somaliland.

Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyay Maleeshiyaad iyo Gaadiid dagaal oo xoojin ah uu Maamulka Hargeysa ay ku daabuleen Degaanka Tuulo-Samakaab ee Gobolka Sool, Fariisinkaan ayaa la sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay uu shaki soo kala dhex galay Maleeshiyaad ka amar qaata Horgale Mahad Cambaashe iyo kuwa Muuse Biixi.

Kadib markii tiro Maleeshiyaad ah ay u baxsadeen dhulka Howdka ah, taasoo dhalisay iney Kala shaki Xoogan uu soo dhex galo labada dhinac ee ku wada sugan Tuulo Samakaab, Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Somaliland wajahayso culays kaga imaanaya xoogag ka tirsan SSC-Khaatumo oo dhanka koonfurta kaga siqaya degaanka Samakaab.

255660cookie-checkDagaalka Laas caanood:- Qoysaskii Ugu Dambeeyay oo lagu Amray iney Magaalada ka Baxaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com