Ma Dhabaa in Saraakiisha Xisbiyada Taageersan Xasan Sheekh uu Khilaaf xoogan soo kala dhex galay

Somalia news

Muddo gaaban oo wada shaqeyn iyo jaangoynta siyaasada arrimaha dibada ee Saraakiisha Xisbiyada taageersan hirgelinta aragtidiisa ayaa la sheegayaa inuu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay, kadib markii ay la kala safteen difaaca danaha Dalalka Masar iyo Ethiopia…

Xiisadaan ayaa sii xoogeystay kadib markii Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka uu safar shaqo ku tagay Dalka Ethiopia, isla markaasna uu kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta Federaalka iyo kuwo Dowlad degaanka Soomaalida kuwaasoo u fidiyay taageero isugu jirta mid Siyaasadeed iyo mid Ciidan.

Mr.Xamse ayaa la sheegay inuu xiriir hoose la leeyahay Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Madaxtooyada iyo Dibeda ( Bukhaari iyi Cali-Balcad), Mas’uuliyiintaan ayaa door bidaaya in xiriir dhow la la yeesho Dalka Ethiopia lana xoojiyo xiriirka derisnimo, waxaana la sheegay iney teegeero ka heleen Madaxda Gobolada qaarkood.

Halka Wasiirka Awooda badan ee Cadaalada iyo Dastuurka (Xasan Macallin), Agasiimaha NISA iyo xubno kale ay taageersan yihiin in dib loo xoojiyo laguna dhowaado xiriirka Dalja Masar, kadib markii uu xiriirka u gaabiyay Farmaajo, waxaana maalmahaan soo shaac baxaaya xurgufta labada garab ee Dowladda.

221260cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiisha Xisbiyada Taageersan Xasan Sheekh uu Khilaaf xoogan soo kala dhex galay