3-Gabdhood Oo Laga Afduubtay Duleedka Cadaado

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa fal afduub ah oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galguduud, kadib markii la afduubtay 3-haween ah, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Cadaado….

Wararka hordhaca ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Dabley Hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan deegaan ahaana ka soo jeeda Degmada Caabudwaaq ayaa Haweenkaasi ka afduubteen duleedka Cadaado. Iyagoo ula dhaqaaqay dhanka Degmada Cabudwaaq.

Dableydaan ayaa la sheegay iney ka careysan dil dhawaan wadada xiriirisa Cadaado iyo Caabudwaaq loogu gaystay gabar deegaan ahaan ka soo jeeday Caabudwaaq. Waxeyna sheegeen in Marxuumadda oo la socotay gaari Candho-meydka oo ka yimid dhanka Magaalada Boosaaso, oo ay rasaaseeyeen Maleeshiyaad ka soo jeeda Cadaado, xilli uu gaarigu ku safrayay wadada Cadaado iyo Caabudwaaq, Gabadhan ayaana haleeshay rasaastii ay furayn maleeshiyadaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda afduubka gaysatay ay dalbaneyso magta gabadhii ay dileen maleeshiyadaasi, Odayaasha labada dhinac ayaa bilaabay dadaalo lagu doonayo in dib xorriyadooda loogu siiyo gabdhahaasi, si loo qaboojiyo xaaladda ka soo korortay wadadaasi.

Dhanka kale,Maleeshiyaad kuheyb ah Madaxweynaha Galmudg ayaa la sheegay iney afduubteen 11 Gaari oo sida la sheegay ay kala leeyihiin 5-gaari waxaa iska leh Ganacsto Degmada, halka 4- gaari la sheegay iney iska leeyihiin beesha Konfurta Gaalkacy.o hal gaari la sheegay inuu iska leeyahay Beesha Dir.

98420cookie-check3-Gabdhood Oo Laga Afduubtay Duleedka Cadaado