Xubno Ka Tirsan Guddiyada Doorashada Waqooyiga Oo Taageeray

Somalia news

Guddiga Doorashada Somaliland gaar ahaan ahaa xubnihii ka yimid Garabka Gudoomiyaha Senatorada ayaa sheegay inay taageersan yihiin qoraalka ka soo baxay Mr.Cabdi Xaashi oo lagu dalbanaayo in la hakiyo doorashada 16 kursi ay horey u shaaciyeen…

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in gudiga sare ee doorashada gobolada waqooyi ay xallinayaan khilaafaad soo kala dhex galay guddiga soo xulaya ergooyinka doorashada.

Lama oga in xubnaha kale ee guddiga ee ka socda garabka raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed ay aqbali doonaan go’aanka Cabdixaashi iyo garabkiisa kasoo baxay.

Guddiga doorashada kuraasta Somaliland ayaa soddonkii bishii hore soo gudbiyay in ay qaban doonaan doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS, balse khilaaf ka dhashay doorashada kuraastii hore ayaa keentay khilaaf hor leh.

154980cookie-checkXubno Ka Tirsan Guddiyada Doorashada Waqooyiga Oo Taageeray