Finland Oo Dhaqaale Ugu Deeqday Waxbarashada Caruurta

Somalia news

Dowladda Finland ayaa deeq dhaqaale oo dhan 7.65 million oo Euro ah ugu deeqday Waxbarashada Somalia, lacagtaas oo noqon doonta maalgalin weyn oo lagu sameeyo waxbarashada Dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Somalia oo muddo 30 sano ka hor ah…

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Dowladaha Somalia, Finland iyo UNICEF, ayuu Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ku sheegay in ka qayb qaadashadan ay carruur badan siin doonto fursado waxbarasho.

Xafiiska UNICEF ee Somalia ayaa sheegay in barnaamijku dejinayo yoolal hiigsi leh oo lagu laba jibaarayo is-diiwaangelinta dugsiyada hoose, horumarinta tayada waxbarashada iyo xoojinta awoodda wada-hawlgalayaasha dowladda si loo gaarsiiyo waxbarasho loo siman yahay dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

“In ilmo kasta la siiyo fursad uu wax ku barto waa maalgashiga ugu wanaagsan ee qaran kasta uu sameyn karo, waxaana ku faraxsanahay inaan qayb ka nahay dadaalkan Somalia,” ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay ee Unicef.

Safiirka Finland Pirkka Tapiola ayaa xusay in dalkiisu uu aad ugu faraxsan yahay in uu bilaabo iskaashigan ay la leeyihiin UNICEF si ay uga faa’iidaystaan carruurta Soomaaliyeed.

154950cookie-checkFinland Oo Dhaqaale Ugu Deeqday Waxbarashada Caruurta