Xuuraanka Cusub:- Hindisaha Dowlada Djibouti ee Dib u soo Nooleynta Wada Hadalada Somaliland & Somalia..

Africa News Security Somalia news

Macluumaad aad u yar ayaa laga helayaa Dadaalo ay Dalkeeda (Djibouti) iskugu keentay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani, Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ethiopia iyo Madaxweynaha Somalia si looga wada hadlo Khilaafyada sii kordhaaya ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Somalia kana dhashay Heshiiskii (MoU)…

Madaxweynaha Djibouti ayaa wada Dadaalaan lagu xoojinaayo Heshiiska Ankara kaasoo asal ahaan salka ku haya xoojinta saameynteeda juqraafiyeed iyo dhaqaale ee Somalia, iyadoo Xiligaan Dalka Djibouti uu Madax ka yahay Agaasinka Ciidamada Nabad-ilaalinta ee AU-da, waxeyna doonayaan in xiisada ka dhalatay ka reebitaanka Ciidamada Ethiopia ee Howlgalka AUSSOM heshiis laga gaaro.

Ku darsoo Djibouti ayaa dooneysa in Dagaalada Sokeeye ee ka qarxay Xuduuda Ethiopia & Somalia ee Dadka badan ku dhinteen la qaboojiyo, iyadoo u aragta in Dagaaladaasi ay helis ku yihiin Amaanka Dalalka Geeska Africa, ayna ka faa’iideysan karaan Kooxaha Argagixisada iyo Ururka Xuutiyiinta si hib iyo Saad sharci darro loo soo geliyo Xuduudaha jilcsan ee Ethiopia iyo Somalia.

Haddii wada-hadallada Somaliland iyo Somalia ay sii socdaan, waxa halis u ah in arrintani ay wiiqdo danaha iyo saameynta Ethiopia ee Gobolka, isla markaana khatar gelin doonta Awoodaha Kooxaha Argagixisada, isla markaana awood u siinaysa inay sii ballaadhiso saamaynta Xuutiyiinta, Iiraan ee Geeska Afrika. Afrika Xaaladdan ayaa ugu dambeeyay ee dagaalada Xuduudaha Somalia & Ethiopia aya horseedi karta xaalad la mid ah tii Lubnaan oo saameyn weyn ku leh xasilloonida Gobolka.

354910cookie-checkXuuraanka Cusub:- Hindisaha Dowlada Djibouti ee Dib u soo Nooleynta Wada Hadalada Somaliland & Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *