Dhaca Taleefonada (Mobile) ee Burcada Oo ka Kordhay Magaalada Nairobi…

Africa News

Shacbiga Magaalada Nairobi ayaa aad uga cabanaaya dhaca Burcada ee Taleefonada Gacanta (Mobilada), iyadoo burcadu aad u bartilmaameedsanayaan Mobile-da madaama uu yahay hanti qaadisteeda iyo dhicideedaba ay fududahay, Hey’adaha Amaanka ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen xakameynta…

Xogo laga helay Hey’adaha Amaanka ayaa sheegay in inay laba howlgal oo is xigay ay ku soo celiyeen 717 Takefonada gacanta (Mobile), kuwaasoo Dadkii lahaa ay ka dhaceen burcad, iyadoo Howlgalka hore ayay Xoogaga Amaanka ay dib u soo heleen 354 oo ah Talefoonada gacanta oo horay loo dhacay kadib markii ay howlgal balaaran ka fuliyeen Xaafadda Kayole ee Nairobi.

Saraakiisha Saldhigga Boliiska ee Kayole ayaa sheegay in Taleefoonadaan laga dhex helay Gaari ay sumadiisu tahay KAZ 505F ee nooca Toyota Premio intii howlgalku socday, Waxaa gacanta lagu dhigay Eedeysane lagu magacaabo Dennis Kioko Mutua oo hada xabsiga lagu hayo baaristiisuna socoto.

Sidoo kale Howlgal kale oo ka horeeyay midkaan ayaa sidoo kale Xoogaga Amaanku ku soo celiyeen 417 Mobile oo horay loo dhacay/xaday waxaana fuliyay howlgalkasi Ciidamada Boliiska ee Degaanka Nyeri.

289700cookie-checkDhaca Taleefonada (Mobile) ee Burcada Oo ka Kordhay Magaalada Nairobi…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com