Mareykanka Oo Dhaqaale ku Maalgeliyay Dhismaha Xarunta Ilaalada Xeebaha Boliiska

Somalia news

Danjiraha Mareykanka oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Boliiska ayaa waxuu Muqdisho ka fureen xarun cusub oo lagu tababarayo Ciidanka ilaalada Xeebaha Boliiska, oo kamid ah hay’adihii cusub ee Amniga kuwaasoo loogu tala galay ka hortagga Dembiyada Kaluumeysiga Sharci darrada….

Xaruntaan waxaa loogu talagalay in lagu dhiso awoodda Ciidanka Ilaalada xeebaha Boliiska Badda si ay u noqdaan kuwa qaadi kara mas’uuliyadda amaanka xeebaha dalka, gaar ahaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka sii kordhaya ee kalluumeysiga Sharci darradda, la dagaalanka noocyada mandooriyayaasha iyo kuwo kale.

Dhaqaalaha ku baxay dhismaha Xaruntaan waxaa bixisay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dawladda Maraykanka, iyadoo usii marisay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), Waxaa loo adeegsan doonaa (Xaruntaan) in lagu taageero tababarrada gaarka ah ee loo fidiyo Boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale Waaxda Canshuuraha iyo Dembiyada abaabulan.

Somalia waxay leedahay xeebta ugu weyn qaaradda Afrika iyo kheyraadka badda. Si loo ilaaliyo, dowladda waxay u baahan tahay hab lagu daba-galo, laguna ilaaliyo sharciga xeebaha, iyadoo 30-kii sano ee lasoo dhaafay xeebaha dalka noqdeen bahalo galeen, Dowlada Federaalka iyo Maamuladunaay qeyb ka yihiin iney u oggolaadeen Maraakiibta Xaalufisa kheyraadka dalka kuwaasoo si sharci-darro ah uga kalluumeystaan.

218050cookie-checkMareykanka Oo Dhaqaale ku Maalgeliyay Dhismaha Xarunta Ilaalada Xeebaha Boliiska
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com