Somalia news

Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa ka hor yimid go’aankii kasoo baxay Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midowga Afrika kaasoo si adag u diiday muddo kordhintii 2da sano ahayd oo ay ku dhawaaqeen qaar kamid ah (57) Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo xukuumada Farmaajo….

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa ku dooday sida uu shaaciyey Wasiirkiisa Warfaafinta in Midowga Afrika uusan cambaareyn karin go’aan kasoo baxay Xildhibaanada Golaha Shacbiga qaarkood, wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada AMISOM oo la faray inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Federaalka ay dhaawac ku tahay go’aankaasi ciidamada Soomaaliyeed, halka uu sheegay inay soo dhaweenayaan Ergayga Midowga Afrika usoo magacaabeyso Somalia.

African Solutions for African Problems

Maalmihii lasoo dhaafay oo ay Maamulka wakhtiga ka dhamaaday ayaa waday olole cusub oo ay ku doonayaan inay ku xalaaleystaan muddo kororsiga ayaa ku did dhawaaqeysay oraahda ah (African Solutions for African Problems) oo ah xeer Afrikaan in lagu xaliyo Khilaafka Afrika, arrintan oo looga gol lahaa in lagu fogeeyo dalalka Beesha Caalamka ee deeqda dhaqaale siiya Soomaaliya sida, EU, USA iyo UN.

Madax Banaanida Soomaaliya

Marka laga yimaado hadalada Dubbe xaqiiqda jirta ayaa ah in Golaha Nabada iyo Amaanka Midowga Afrika loo dhisay inay tahay inuu ka hortagto wax walba oo wax u dhimaya Amniga Qaarada oo kamid ah sababaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo keenay Soomaaliya.

Heshiiskii dalalka Afrika saxiixeen sanadkii 2002 ee lagu dhisay Golaha Nabad iyo Amaanka Midowga Afrika ayaa qodobada ugu horeeya ku qeexan yihiin in Golahan loo dhisay inay wakhti hore ka hortagaan xiisadaha Qaarada ka jira iyo arrimaha saameyn kara amaanka wadamada Afrika.

Waxaa sidoo kale Qodobka 3aad ee heshiiska dhismaha Golahan lagu xusay in ahmiyadooda ay tahay in la difaaco shacabka Afrika iyo hantidooda lagana hortago wax walba oo khal khal ku keeni kara amaanka guud.

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa u muuqata mid dooneysa inay u adeegsato hadalada afka baarkiis ah ee “…Madax banaanida Somalia…” iyo mid ay ku xalaalsaneyso muddo kororsiga khilaafsan Dastuurta iyo heshiisyadii Qaranka, waana mid soo dadajin karta in Midowga Afrika qaado tilaabooyin dheeraad ah oo lamid ah cunaqabateyntii la saaray Xukuumadii Militarigii Mali ee awooda dalkaasi boobtay bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020.

113900cookie-check