Gudoomiyihii Degaanka Leego Oo Qarax Lagu Dilay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Wanleweyne ayaa sheegaya in Guddoomiyihii degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose Marxuum Xasan Gudcur iyo ugu yaraan laba qof oo kale ayaa lagu dilay qarax miino oo loo dhigay iridda hore ee gurigiisa sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka degaankaas….

Wararka ayaa sheegaya in degaanka Leego ayaa sidoo kale sheegaya in laba ka mid ah ilaaladii guddoomiye Gudcur ay ku dhaawacmeen qaraxan, Laamaha amaanka degmada Wanlaweyn ayaa baaritaan ku haya falkan, iyagoo sheegay inaysan jirin cid ilaa hada loo qabtay dhacdadan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa gobolada koofurta Somalia ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee noocan ah, iyadoo maalmo isku xiga la dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Dhacow), Dr. Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Ja-Jab iyo Dr. Xasan Cusmaan Ciise oo ku magac dheeraa Dr. Buurane oo ahaa dhaqtar caan ahaa oo ku takhasusay cudurada maqaarka.

113930cookie-checkGudoomiyihii Degaanka Leego Oo Qarax Lagu Dilay