Muuse Biixi Oo Safar uu ku tegi lahaa Degaanada Dagaalada ka Socdaan u Suurta geli weysay & Sababta..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar uu qorsheystay inuu Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku fadhiya ee Muuse Biixi ayaa habeenimadii xalay isaga soo huleelay magaalada Burco oo uu maalin kaliyah u tegay arrimo dhow ah u suurto gelisay…

Xogtaan ayaa sheegtay in Mr.Muuse uu ku wajehnaa Degaanada, Gooja cadde, Oog iyo Samakaab u suurto gelisay kadib markii dagaalo xoogan oo lagu hoobtay ay shalay oo dhan ka socdeen, Degaanada Dhabansaar kuna fiday Tuulada Samajaab halkaasoo aheyd marikinkii Taakuleynta iskuna xiri jirtay Gooja cadde iyo tuulada Oog.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa qorsheynaayay inuu isku dayo deminta colaada Gobolka Togdheer ka aloosan una dhaxeysa jufo ka mid ah Beeshiisa iyo jufo ka tirsan Beesha Habar yoonis, iyadoo Laba beelood oo maalmihii ina dhaafay ku dagaalamayay duleedka Burco kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira Dhimasho, Dhaawacyo iyo Burbur hantiyeed (Guryo la gubay).

Wararka ayaa sheegay in Muuse Biixi uu codsaday inuu kulan la qaato Odayaasha iyo Waxgaradka Galbeedka Burco, kuwaadoo ku gacan seyrtay la kulanka iyo la hadalkiisa, kadib markii ay ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Dagaalka dhaqaalena ku bixiyay, iyadoo uu Muuse oo caro xoogan ka qaaday diidmada Odayaasha waxaana la sheegay inuu dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa.

256290cookie-checkMuuse Biixi Oo Safar uu ku tegi lahaa Degaanada Dagaalada ka Socdaan u Suurta geli weysay & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com