2-Arday Oo Macallinkoodii Quraanka Ku Dilay Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Laankadawo oo ka mid ah degaanada hoos taga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi shalay galinkii dambe lagu dilay Macalin Dugsi Quraan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Macalinka la dilay ayaa caan ka ahaa Degaanka Laankadawo iyo tuullooyinka ku dhow, Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdisalaan Maxamuud ilkaweyne, kaaso la dilay xilli uu ku sugnaa hoygiisa sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaasi.

Dilka Macalinka ayaa la sheegay inay geysteen laba wiil oo ka mid aheyd ardaydii uu barayay dugsi Quraanka, kuwaas oo dilka Macalinkooda u adeegsaday Faash iyo Maqar oo ay kala dhaceen qeybaha sare ee jidhkiisa, isagoona markiiba goobta ku geeriyooday.

135240cookie-check2-Arday Oo Macallinkoodii Quraanka Ku Dilay Gaalkacyo