Kenya Oo Lagu Cadaadinayo inay Dhalasho siiso Kumanaan Soomaali ah

Africa News

Hay’adda Haki Na Sharia ee u dooda xuquuqda dadka ayaa shaacisay inay dacwad ku soo oogtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, si ay sharci u helaan kumannaan Soomaalida Kenyan ah, kuwaasoo ay Hay’addu rumeysan tahay inay xaq u leeyihiin helidda sharciga Qaranka Kenya…

Wararka ayaa sheegay in Dad kor u dhaafaya 40.000 Qof Oo Soomaali-Kenyan ah iyo Caruurtooda, ayaa soo food saartay xaalad Dhanka sharciga iyo degananshaha ah, kuwaasoo Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Hey’adda Socdaalka ay u diideen iney siiyaan dhalashada Kenya.

Dadkaan oo ka soo jeeda degaanada Waqooyi -Bari Kenya, kuwaasoo qaarkood ay ku noolaayeen sanooyin Hore xeryaha Qaxootiga caruurtoodana wax ku bartay Dugsiyada Kenya, sababo la xiriira nolosha iyo abaarihii ku dhuftay Xoolohii iyo duunyadii kale oo ay dhaqanaayeen, ayaa haatan loo diiday iney Qaataan Dhalashada Dalka Kenya.

135210cookie-checkKenya Oo Lagu Cadaadinayo inay Dhalasho siiso Kumanaan Soomaali ah