Maamulka Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Ehelada Samafale Coldoon

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa howlgal ay Xoogaga Amaanka Somaliland ku qabteen kadibna xabsiga ugu taxaabay 3-Xubnood oo ka tirsan qoyska Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasoo muddo 7-Bilood ku dhaw u xiran, Maamulka Muuse Biixi…

Wararka ayaa sheegay in Dadka la xiray ayaa xiligaas dhigayey dibadbax ay ku dalbanayeen, in la sii daayo Coldoon, waxaana ku jira 2 wiil, oo ay walaalo yihiin Coldoon, Maamulka Hargeysa, ayaanan weli ka hadlin, xariga xubnahaas ka tirsan qoyska Coldoon, iyadoo arrintan si weyn looga hadal hayo gudaha Somaliland.

Maxkamada Magaalada Hargeysa, ayaa billawgii Bishaan February caddeysay in Coldoon, uu dembi la’aan yahay, balse Muuse Biixi, ayaa hor istaagay inuu dib u helo xoriyadiisa, Bishii August ee sanadkii 2021, ayey ahayd markii Burco laga soo xiray Coldoon, kaas oo xilligaas eed u jeediyey, dugsiga Abaarso, isagoo ku dhaleeceeyey, in lagula dagaallamo dhaqanka iyo diinta, isla markaana ay wax ka dhigaan baadiriyiin faafisa diinta kirishtanka.

171940cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Ehelada Samafale Coldoon