Xog-uruurintii Ugu Dambeysay ee Dalaaleyda Iyo Isku dayga Villa Somalia

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya iney u qorsheysneyd Maamulka Fashilmay ee Farmaajo inuu soo saaro xubnihii Gudiga Farsamada ee dhankooda si Wada xaajoodka Dhuusamareeb ubilowdo 15-da Bisha August, Balse isbadal ku yimaadeen kadib markii Wada hadalo ay la yeesheen Madasha Xisbiyada Oo dhinac ah iyo Odayaal ja soo jeeda Beelaha Habar gidir oo dhinac kale ah…

Xogo uruurin laga diyaarshay Kulamadaasi ayaa la sheegay In Ra’isalwasaaraha la siiyo rasmi ah ugu sheegeen Beesha Habargidir in ay siinayaan,balse ku xiran yahay laba shuruudood oo kala ah.
-In Shirka Dhuusamareeb dib loo dhigo ilaa September.
-In Dowlad Goboleedyada ay kasoo dhaadhiciyaan mudo kordhin 13-bilood ah ka hor intaan la Magacaabin Rw cusub.
-In Khayre ay kusoo qanciyaan xil wareejin iyo iscafin isaga iyo Madaxweynaha.
Haldoorkii Habargidir ee uu Fahad hor dhigay qorshahan way aqbaleen waxayna qabsadeen maalmo ay ku hawlgalaan.

Sida aan xogta ku helay Qoor-qoor iyo kooxdiisu waxay qorshaysteen inay hawlgalaan si ay uhantiyaan kursiga RW ee ay muhiimka u arkaan xiligan.
Puntland in ay la xariiraan oo ay hor dhigaan balanqaad ah…

1.Doorasho dadban oo hada lagu kala saxiixdo Shirka Dhuusamareeb.
2.Wasiirada Arimaha gudaha iyo Qorshaynta oo ay soo magacawdaan.
3.Mashaariic dhawr ah oo gaaraya 28-Milyan dolar.

Sidoo kale  Jubaland waxay udiyaarsadeen dhawr qodob..
1.In Ciidamada Gedo jooga laga soo saaro.
2.Madaxweyne Axmed Madoobe magacaabo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolkaas
3.In Shirweyne beesha Sade lagu dhexdhexaadinayo gogosheeda la dhigo Kismaayo.
4.In Wasiirka Waxbarashada Axmed Madoobe keensado.

Dhanka Khayre waxay udiyaarsadeen in ay hor fariistaan oo ugaraabaan uga mahad naqaana dhismihii Galmudug xoogii uu galiyay,kadibna ay hordhigaan dalabka ah in isaga iyo Farmaajo  ay isku geeyaan,beel ahaana Murursade uu ka keensado Wasiirka Amniga.

Beelaha Mudulood waxay ugu talagaleen in ay beel ahaan u hor fariistaan ugana codsadaan taageero iyo tanaasul,isla markaana Wasiirka Arimaha dibada Abgaal ay keensadaan shaqsiga noqonaya.

Waare iyo Hirshabelle waxaa mar horaba la hadlay Fahad una sheegay in uusan ka hadlin xilka qaadistii Khayre hakiyana xubnaha gudiga ee uu magacaabay,taa badalkeeda lagu taageeri doono doorashada kusoo fool leh Oktobar.

Laftagareen isagana waa la casumay, waxaana toos ula xaajoon doona Fahad Yaasiin.

Weli qorshahan ma gaarin Puntland iyo Jubaland.
Balse halkaa markay marayso ayay xogtan banaanka usoo baxday gaartayna cid walba oo danaysa arimaha Somaliy,waana mida keentay in Qaramada midoobey ka hor dhacdo soona saarto digniintii maanta ee oranaysay waxaad rabtaanba sameeya cid idin aqoonsanaysaa majirto hadaad si gaar ah wax usamaysataan.

50930cookie-checkXog-uruurintii Ugu Dambeysay ee Dalaaleyda Iyo Isku dayga Villa Somalia