2-Soomaali Ah Oo Xukun Lagu Riday Dalka Mareykanka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-nin Oo Soomaali ah oo turjubaano ka ahaa Magaalada Lewiston Ee Gobolka Maine Ee USA isla markaasna qaxooti ahaan ku tegay ayaa maalintii Jimcihii Maxkamada Federaal ah Ku riday Xukun Sida lagu daabacay Wargeyska Sun…

https://www.sunjournal.com/2021/07/16/lewiston-men-sentenced-in-health-care-fraud-scheme/

Dambiile Abdirashid Ahmed, 41 sano jir ah ayaa lagu xukumay 2-sano Xarig ah iyo 3-sano dibad joog ah (Lagu kormeerayo) halka Dambiile Garaad Cusmaan 35-sano jir ah 3-sano lagu xukumay, waxaana xukunkooda lagu sababeeyay inuu salka ku hayo tuhumo la xiriira wax is daba marin maaliyadeed Ee daryeelka Caafimaadka Magaalada ayna Musuqmaasuqeen Aduun dhan 1,8-million US$.

Iyagoo u maray Xafiiska Lewiston ee bixiya adeegyada la-talinta Ee dhinacyada Caafimaadka Maskaxda iyo ka hortagga aafada mandooriyaha, Xafiiska xeer ilaalinta ayaa labada Eedeyaane ku eedeeyay iney sanadkii 2016-kii ay asaaseen Xafiis bixiya adeega turjubaanka ee Soomaalida Magaaladaasi, iyagoo macaash badan ka helay dhaqaale lagu bixiyo adeega turjubaanka.

129740cookie-check2-Soomaali Ah Oo Xukun Lagu Riday Dalka Mareykanka