Dagaalka Degaanada Galmudug iyo Mashruuca cusub Ee Barakicin Bulshada

Somalia news

Waxaa walaac iyo Wel wel laga muujiyay hanaanka loo wajahaayo dagaalka dib u Xoreynta degaanada ay qabsadeen Kooxda argagixisada, iyadoo lagu Eedeeyay Hogaanka Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha ku howlan iney ka gaabiyeen diyaarinta qorshe cad oo looga hortagaayo Kooxda Shababka…

Qorshahaan oo ah mashruuc ay soo wada abaabuleen Qorqor iyo Cabdi Qeybdiid ayaa lagu tilmaamay mid tayadiisu ay hooseyso, isla markaasna ay muuqato kala daadsanaa xagga strategyada dagaal gelinta, marin habaabinta, Barakiciyaha Shacbiga Galmudug, Hogaan jilicsan iyo inaan loo diyaar garoobin dagaal lagu qaado kooxda Shababka, ku darsoo waxaa Maamulka Galmudug ay gargar Saad weydisteen Maamulka Puntland.

War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada huwanta ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa iney isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga taqaluso”.

Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn ayaa mid ay muuqatay inuu yahay mid tayadiisu diyaarinta iyo Abaabulkiisu hooseyo ee dagaal gelinta, Iyadoo lagu eedeyay Madaxweynaha Galmudug, Senator Cabdi Qeybdiid, Biixi iyo Madaxa Qeybta 21-aad iney Ciidamo badan (600) Ciidamo ah 3-goobood ku uruuriyeen si dagaalka loogu howl geliyo.

Halka Kooxda Shababka ay ku soo dagaal galeen 60-maleeshiyo, waxaana la isku horfadhiyaa inta u dhaxeysa Bacaadweyn iyo Caamara oo 4-km isku jiraan.  Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa tiro Ciidamo geystay Tuulooyinka Caado kibir iyo Xiin-lebi, inkastoo aan la xaqiijin karin sheegashada Maamulka, waxaase marqaati ma doonto ah in Dadka Rayidka Ee degaanadaasi Nabada ku degenaa la doonaayo in la barakiciyo kadibna Hey’adda gargaarka la weydiisto Gurmad Gargar.

Fiiro Gaar ah:-Cabdi Qeybdiid Oo dhisme dabaq ah oo Degmada Hodan ku leeyahay baadna ka siiya Sanadkii Kooxda argagixisada Shababka miyaa guul ka keeni kara dagaalkaan.

129770cookie-checkDagaalka Degaanada Galmudug iyo Mashruuca cusub Ee Barakicin Bulshada