23-Xubnood oo ka baxay Urur Siyaasadeed Ka Dhisan Puntland

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa 23-Xubnood oo katirsanaa aasaasayaashii iyo xubnihii ururka Mideeye ayaa shaaca ka qaaday inay isaga bexeen urur siyaasadeedkaasi, kadib war qoraal ah oo ay soo saareen 1 July soona baxay maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 10 Luuliyo…

Siyaasiyiintaan qoraalka soo saaray ayaa waxa ay sheegeen inay talaabadaani ay timi kadib markii ururka Hogaanka Ururka uu hareeyay khilaaf muddo soo jiitamay kuna dhow sanad, taasoo sabab u noqon wayday inay socon waayaan dhammaan wada xaajoodkii laga galay khilaafka si loo dhameeyo.

Gudoonka Ururka ayeey Xubnahaani ku eedeeyeen inuu is hortaagay in xal waara laga gaaro Khilaafka jira oo muddo Soo jiitamaayay, waxeyna sheegeen in Khilaafka uu salka ku hayo Arrimaha mabaadi’da Ururka ay ku dhaqmi waayeen Gudoonka Ururka.

128560cookie-check23-Xubnood oo ka baxay Urur Siyaasadeed Ka Dhisan Puntland