Farmaajo Oo 3-Diyaaradood U Kireeyay Odayaal Beeshiisa ah

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa 3-diyaaradood oo uu kireeyay Farmaajo isla markaasna saarnaa Odayaal, Xubno Guddiyo Doorasho loo xulay iyo Musharixiin Xildhibaano ayaa shalay ka dejiyay garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in 3-daan Diyaaradood oo uu kireeyay Farmaajo ayaa la sheegay iney Saaran yihiin Odayaal Dhaqmeed Beesha Mareexaan, Xubno loo xulay iney Guddiyada Doorashada dadban ka mid noqdaan iyo Musharixiin loo diyaariyay iney ku soo baxaan Kuraasta taala Degmada Garbahaarey.

Farmaajo ayaa la sheegay in 16-ka kursi ee Degaan Doorashada Degmada Garbahaarey ay ka go’an tahay inuu gacanta ku dhigo, uuna u balanqaaday Shaqsiyaad uu og yahay iney dooranayaan, waxaana ka horeeyay oo halkaasi ku soo dhoweeyay Cabdullahi Kulane (Jiis-mareexaan), oo xiligaan ah Gudoomiyaha qarsoon Ee Gobolka Gedo.

Mr.Rooble ayaa ka degay Magaalada Garbahaarey, iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaq iyo abaabulo lagu soo dhaweynaayo, inkastoo Maamulka Jubbaland ay ku gacan seyreen in Loo gacan dhaafo Maamulka Doorashada, mana muuqata inuu Rooble hor istaagi karo abaabulka boobka Kuraasta Gobolka Gedo Ee Farmaajo.

128520cookie-checkFarmaajo Oo 3-Diyaaradood U Kireeyay Odayaal Beeshiisa ah