4-Qor Oo Lagu Dilay degaan Hoos Yimaada Garbahaarey

Somalia news

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ku toogteen afar nin, oo midkood uu ganacsade ahaa, kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney dembiyo kala duwan halka qaarkood muddo 3-sano ah xabsi lagu hayay…

Wararka ayaa sheegay Maleeshiyaadka sida Boliiska u tababaran ee Xisbada Shabaabka ayaa gelinkii dambe ee shalay waxey afartaasi nin ku toogtay Fagaaraha deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dadkaan la toogtay ayaa magacayadooda lagu kala sheegay:-

-Xaaji Aadan Duuble Xasan oo 60 jir ahaa meheradiisuna aheyd Ganacsade

-Ibraahim Horow 25-sano jir ah

-Cali Cumar Axmed 42-sano jir ah

-Axmed Calu Dhuxulow 50-sano jir ah

Xaaji Aadan Duuble oo nin ganacsade ahaa ayay Shabaabku 3 sano ka hor ka soo xireen Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona uu muddadaas ku xirnaa xabsiyada Kooxda Shabaab, Duuble oo si weyn looga garanayay Gobolada Jubbooyinka ayaa tallaabada lagu toogtay waxay hadalhayn ka dhex dhalisay bulshada qaybteeda kala duwan.

Maleeshiyaadka Shabaabka ma soo bandhigaan cadeymo iyo qiraal muujinaya dadka ay xukunada fuliyaan, marka laga soo taggo oraahda looga bartay ee ah ‘isagaa qirtay’.

101670cookie-check4-Qor Oo Lagu Dilay degaan Hoos Yimaada Garbahaarey