Xog:-Sidee Loo Xakameyn karaa Musuqa Xargo goostay ee Mas’uuliyiinta Hogaanka Dowlada Federaalka..

Somalia news

Macluumad hordhac ah ayaa muujinayaa in xishood darrada ka muuqata Musuqa, Eexda iyo Qaraabo kiilka baahsan ee Mas’uuliyiinta sare Hogaanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobolada, iyadoo ay soo shaac baxaayaan in Fadeexadaan ay saameysa Madaxweynaha, Gudoomiyayaasha labada Aqal iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka…

Baaris iyo dabagal dheer kadib waxaa soo shaac baxay sawir muujinayaa Madaxweynaha Dalka uu ku dhiirado in Gabadhiisa (Jihaan) oo  u magacaabo la taliye sare oo ka tirsan maamulkiisa, halka Wiilkiisa (Cabdiqani) uu u xil saaray inuu la socdo 300 oo Shirkadaha Kaluunka ee China iyo 8-xubnood oo kale Qoyska ka tirsan, Madaxweynaha bishii Maajo 2-dii, 2023, wuxuu si jees jees ah ugu dhawaaqay inuu awood u leeyahay xulashada ku dhisan Qaraabo kiilka iyo nin jeclaysi ee magacaabista Maamulkiisa Fashilka ah.

Dhaqan galka Ficilkaan kadib, waxaa sidoo kale shaqaaleysiiyay Qaraabadooda Mas’uuliyiin Sare xubno aan u qalmin xilalka sare, waxaana ka mid ah Gudoomiyayaasha Aqalka Sare oo Wiilkiisa ka Shaqaaleysiiyay Xafiiskiisa, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka Gabadhiisa loo magacaabay Xubin Guddiga Istaatistikada Qaranka, sidoo Wiilka Afadiisa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada.

Ku darsoo Akhristow, Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Sacdiya Salaad ay Wakaalkeeda shaqo uga heshay Hey’adda Qaxootiga Qaranka, waxaan ka liidan tiro Wasiiro oo Shaqaalaysiinta Caruurtooda iyo Qarabadooda, yaan wakhti badan lagu luminin Gabar iyo Habaryarteed, Xaaladdu waxay muujineysaa walaaca laga qabo in musuqamaasuqa uu xargo goostay iska horimaadka danaha qoyska, iyo shaqaaleeysi la’aanta ku saleysan mudnaanta.

269910cookie-checkXog:-Sidee Loo Xakameyn karaa Musuqa Xargo goostay ee Mas’uuliyiinta Hogaanka Dowlada Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com