Ma Dhabaa in jiraan Shabakado Ka Ganacsada Baasaboorada iyo Is-xambaarka Sharci darrada ah..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in kooxo isku xiran oo ah Shabakado ka ganacsada Baasaboorada Diblomaasiga iyo kan shaqada ee Somalia, kuwaasoo si sharci darrada ah loo siiyo Dadka ka dhoofaya Dalka isla markaasna loogu qaado Dalalka Latine America si Tahriibayaasha loogu sahlo iney galaan Dalka Mareykanka….

Xogtaan ayaa Warsidahaan u xaqiijisay in Iibinta Baasaborada ay ku lug leeyihiin Howlwadeeno ka tirsan Xafiisyada Wasiirka1-aad, Wasaarada Arrimaha Diveda iyo Hogaanka Socdaalka, iyadoo isku cel-cel laga qaado Dhalinyarada daneyneysa iney qaataan Noocyada Baasaborada Dibloomaasiga iyo kan Shaqada 12-kun US$ si a ugu galaan Dalalka EU-da iyo Latine America, waxaana howlahaan lagu eedeeyay Kooxo Maafiyo Somali ah oo macaash badan ka sameeyay muddo aad u gaaban gudahood…

Wararka ayaa sheegay in fadeexadaani ay soo shaac baxday kadib markii Dhalinyaro dhibabayaal ah laga dhacay Lacagtii isla markaasna loo diiday in loo sameeyo Baasaborada, waxeyna ku hanjabeen iney Dacwoon doonaan hadii aan dib loogu soo celin Lacagtii laga qaaday ama Baasaborka laga balanqaaday.

Ku darsoo Hey’adaha Amaanka ee Dowladaha EU-da iyo Latine America ayaa cabsho u gudbiyay Dowladda Federaalka kuwaasoo ku hanjabay iney xayiraad ku soo rogi doonaan Baasaborada Somalia hadii aan wax laga qaban Fadeexadaan, iyadoo lasheegay in Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka uu balanqaaday inuu wax ka qaban doono.

257950cookie-checkMa Dhabaa in jiraan Shabakado Ka Ganacsada Baasaboorada iyo Is-xambaarka Sharci darrada ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com