Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay hoose ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu amar ku siiyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Odawa Yuusuf Raage inuu hubka & Gadiidka ay leeyihiin ciidanka ilaalada u ah Madaxdii hore Qaranka lala wareego, isla markaasna Ciidamada Ilaalada ka ah Xarunta Kulanka Beelaha Mudulood Hubka laga dhigo…

Taliyaha CXDS General Odawa  oo wareeysii gaar ah siiyay Warbaahinta Maxaliga ayaa digniin u diray wax uu ku tilmaamay shaqsiyaad sameeystay Gadiidka looyaqaano cabdi bilaha ee cidanka lasaaro kuwaaso ku buufsaday astaanta CXDS in uu la wareegi doono gadiidka & hubka saaranbo hadii aysan badalin isticmaalka astaantooda.

Digniinta uu soo saaray Generaal odowa Yusuf Raage ayaa daboolka ka qaaday xog sheegeysa in uu jiro weeraro qorsheysan oo lala damacsan yahay Madaxdii Hore Qaranka iyo Mas’uuliyiinta ku howlan diyaarinta Kulanka Beelaha Mudulood Oo lagu waday inuu maanta furmo balse Dib Loo dhigay.

Xogtaan ayaa muujinrysa in Ururka Argagaxisada shabaabka oo xiriir wadashaqeyn dhaw la leh Hogaanka NISA, ayaa isla qorsheeyay inay weerar toos & mid qaraxyo wataba ayku qaadi rabaan Xarunta Mowlaca Macallin Nuur iyo Guryaha ay ka degan yihiin Madaxweyneyaashii hore dalka Mr,Cali Mahdi, Mr.Shariif Shiekh Ahmed & Mr.Hassan Shiekh Mohamoud.

47760cookie-check