Dagaal Ka Dhacay Degaan Hoos taga Degmada Balcad

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeeleda Dhexe ayaa sheegaya Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa ka socda deegaanka Muki-dheere oo hoostaga degmada Balcad..

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Muki-dheere, Sida uu sheegay mid ka mid dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayaan hub culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad Shacab ah, inkastoo aan weli tirada saxda ah la ogaan.

164540cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degaan Hoos taga Degmada Balcad