Qoysas Badan Oo Saameyn uu Ku Yeeshay Roob Saacado Badan Ka Da’ayay Muqdisho

Somalia news

Xalay ilaa Saakay waaberigii waxaa Magaalada Muqdisho ka da’ayay roob saameyn badan ku yeeshay qoysas masaakiin ah oo ku nool Magaalada Muqdisho, Kuwaasoo Biyo badan dhigay Wadooyinka Magaalada…

Roobkaan oo si xoog leh u da’aayay, waxaana uu biyo dhigay wadooyin badan oo Caasimadda ku yaal, iyadoo saamen adag uu ku yeeshay qoysaska danta yar ee degan guryaha cariishadaha ah ee Degmooyinka qaar ku yaalla.

Degmooyin kala duwan oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir ayaa laga soo badbaadiyay qoysas badan, sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay kormeer ku tagay Degmooyinka qaar.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay u gurmadeen qaar ka mid ah Qoysas ku nool degmada Boondheere,isla markaana ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 50 Qoys.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Maanta bilaabi doono howlo gurmad ah oo sidoo kale lagu furayo wadooyinka uu roobka xiray.

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa xilligaan waxaa dhex buuxa biyo badan oo roobka uu dhigay, waxaana jirta saameynta roobka inay wali taagan tahay.

47730cookie-checkQoysas Badan Oo Saameyn uu Ku Yeeshay Roob Saacado Badan Ka Da’ayay Muqdisho