Maamulka Villa Somalia oo u Saxiixay Ciidamada USA 5-Saldhigg oo kuwa Ciidamada ah..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa heshiis is-afgarad oo ay Somalia iyo Mareykanka maanta ku kala saxiixdeen kaasoo sahlaaya in Ciidamada USA ay ilaa 5-Saldhig Ciidamo oo cusub uga dhisanayo gudaha Dalka, iyadoo aan la ogeyn degaanada laga dhisaayo Fariisimadaasi…

Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur iyo Sii Hayaha Danjiraha Mareykanka ee Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kuxigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa horay saldhigyo ugu lahaayeen Garoonka Ciidamada Cirka ee Bali-doogle, Garoonka Diyaaradaha ee Berbera & Garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa la filayaa iney Farsiimo cusub ka dhistaan Degmada Caluula, lamana yaqaano Degaanada laga dhisaayo iyo hadii ay ku jiraan kuwii horey u joogeen.

308620cookie-checkMaamulka Villa Somalia oo u Saxiixay Ciidamada USA 5-Saldhigg oo kuwa Ciidamada ah..