5-ka mid ah Shaqaalaha Warshada Sonkorta ee Wonji (Ethiopia) oo Meydkooda la helay Muddo Kadib…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Shan ka mid ah Shaqaalaha Warshada Sonkorta ee Wonji (Ethiopia), oo muddo laba toddobaad ah afduub ahaan loo haystay, ayaa meydkooda la helay, subaxnimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 15/03/2024…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Meydka 5-taan Shaqaalaha ah ayaa laga helay bannaanka hore ee dhismaha warshadda oo ku taalla meel miyi ah oo loo yaqaan Khacha, Shaqaalahaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Bekele Tirunehi, Teshome Heramo, Yalew Temesgen, Girma Belachew iyo Kamil Abdurhaman, iyadoo Dalkaasi uu mudooyinkii u dambeysay Dagaalo sokeeye ay socdeen dhimasho badan geystay.

Maamulka Warshada sheegay in afar ka mid ah shaqaalaha la dilay ay muddo dheer ka shaqaynayeen qeybta Cagaf-cagafyada Warshadda, halka qofka shanaadna uu ku shaqaynayey qeybta koronto muddo sanad ah, waxaana Afduubtay Dabley Hubeysan oo kasoo jeeda Dodota District ee Bariga Arsi Zone ee Gobolka Oromada waxeyna Caasimada u jirta 110-KM.

315240cookie-check5-ka mid ah Shaqaalaha Warshada Sonkorta ee Wonji (Ethiopia) oo Meydkooda la helay Muddo Kadib…