Safaarada Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinteeda dambiyada sii kordhaya ee ka dhacaya caasimadda Kenya..

Africa News

Qoraal digniin amni ah oo ay soo saartay Safaarada USA ee Nairobi ayaa looga digay Muwaadiniinteeda ku nool iyo kuwa safarada ku taga Magaalada iney aad u kordheen Dembiyada abaabulan, Dhaca Mobilada, Boorsooyinka & falal amaan darro ee ka dhacaaya Xaafadaha kala duwa ee Magaalada..

Waxaana loogu baaqay (Muwaadiniinta) iney raacaan talooyinka la xiriirta digniinta Amaanka ee la xiriirta dhaqdhaqaaqooda iyo Sidoo kale waxaa ku jira shandadahooda in aysan soo bandhigin wax calaamad ah oo muujinaya hantidooda sida xirashada dahabka, Mobileda, saacadaha Qaaliga ah ama in ay qaataan lacag badan oo cash ah.

Waxaa kaloo digniinta loogu sheegay Muwaadiniinta ineysan la dagaallamin marka ay burcada wajahaan ayna deganaan muujiyaan, In laga horyimaado burcadda waxay keeneysaa dagaal. Sidoo kale waxaa loo sheegay in ay xiraan daaqada iyo albaabada gawaarida.

315190cookie-checkSafaarada Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinteeda dambiyada sii kordhaya ee ka dhacaya caasimadda Kenya..