Iib ka Guryaha Turkiga ee Ajaaniibta oo sare u kacay & Sababta

Somalia news

Shisheeyaha doonaya inay Guryaha ka iibsadaan dalka Turkiga si ay u noqdaan muwaaddiniin Turki ah ayaa hadda laga doonayaa inay bixiyaan dhaqaale badan, tallaabadan oo ku soo beegantay iyadoo iibka guryaha ajaaniibta ay iibsanayaan, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Ruushka iyo Ukraine uu sare u sii kacayo…

Dhaqaalaha Fadka Ajaanibta ah laga rabo in ay ku bixiyaan hantida ma guurtada ah ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo $400,000 sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa go’aan ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Turkiga, Waxaa sidoo kale dadka ajanaibta ah laga doonayaa inay guriga degganaadaan sadex sano si ay u qaataan Baasaboorka Turkiga.

Wararka ayaa sheegay in Ilaa 7,000 oo Ajaaniib ah ayaa ku helay dhalasho guryo ay ka iibsadeen Turkiga iyo maalgelin ay sameeyeen intii u dhaxaysay 2017 iyo 2020, sida ay dowladdu sheegtay, Soomaalida ayaa ka mid ahayd dadka Ajaaniibta ah ee muddooyinkii ugu dambeeyay si wayn u maalgaliyay dalkaas Turkiga, gaar ahaan hantida ma guuratada ah sida guriyaha.

Cabdifataax Sheekh Xuseen Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Ganacsatada Soomaalida Turkiga oo isagoo ku sugan magaalada Ankara BBC-da la hadlay ayaa sheegay in go’aankan dowladda ka soo baxay uusan ahayn mid cusub oo ilaa dhammaadkii sanadkii hore uu socday, waxaana sida uu sheegay go’aakan sababay hoos u dhaca ku yimid lacagta Liirada dalkaas.

Wuxuu sheegay in magaalada ugu badan ee Soomaalida ay dalkaasi ka deggan yihiin ay tahay Ankara, oo uu sheegay inay ku nool yihiin qiyaastii 15,000 oo qof, una badan qoysas ka soo guuray dalalka dibadda. Magaalada labaad ee soo raacda ayuu ku sheegay Istanbul.

“Laakiin dadka hantida maguurtada dalka ka qaata meesha ugu badan ee ay ka qaataan waa magaalada Ankara,” ayuu intaas raaciyay. Sababta ay ku doorteen Ankara ayaa wuxuu Cabdifataax sheegay in Ankara ay tahay magaalo deegaan oo caasimadda dalka ah, isla markaana ay guryaheeda ka jaban yihiin kuwa magaalooyinka kale.

182940cookie-checkIib ka Guryaha Turkiga ee Ajaaniibta oo sare u kacay & Sababta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com