Maxaa Horseeday in Suuq u Raadintii Qaadka Kenya Lagu Hungoobay

Africa News

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in sahan suuq raadin ah oo ay diyaarsadeen Ganacsatada Qaadka Kenya, si ay Suuqa Qaadka Djibouti u geyn lahaayeen Qaadka Miraaga ah ayaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday fashil kadib markii ay u dhoofiyeen 8-tan oo Qaad ah laba todobaad gudahood…

Wararka ayaa sheegay in Ururka Ganacsatada Qaadka “Nyambene” laba duulimaad oo sahan qaad ah laga dejiyay Caasimada Djibouti, ayaan darrso waxaa la sheegay in Iibsadayaasha Qaadka ayaa shuruudo ku xiray in Beeraha Miraaga Kenya marka hore la baaro, noocyada Qaadja, sidoo kale in la helo sida loo maamulo qiimaha sicirka Qaadka iyo in la sahmiyo in isku haleyn karo Ganacsatada Qaadka Kenya.

Si ka duwan Ganacsatada Soomaalida, Ururada Qaadka Djibouti waxey shuruud ku xiraan in la kala saxiixdo qandaraas soconaaya muddo 5-sano ah, balanqaadna laga helo Shirkadda Qaadka tirada iyo tayada (Damaanad), dhererka laamaha qaadka. Gudoomiyaha Ururka qaadka Kenya Mr.Kimathi Munjuri ayaa sheegay in Suuqa Djibouti uu ka yar yahay kan Somalia.

223120cookie-checkMaxaa Horseeday in Suuq u Raadintii Qaadka Kenya Lagu Hungoobay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com