8-Askari Oo ka tirsan Boliiska Kenya oo lagu dilay Qarax looga Shakisan yahay Kooxda Shababka..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in Siddeed askari oo ka tirsan Ciidamada Boliiska Kenya ayaa lagu dilay gaari ay wateena lagu burburiyay walxaha qarxa, kadib weerar looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen kooxda Shabaabka ee fadhigeedu yahay Somalia…

Dhacdadan ayaa Talaadadii shalay ka dhacday Degmada Gaarisa, gaar ahaan Gobolka ku yaala xadka Somalia, halkaas oo ay kooxda Argagixisada Shababka ka wadeen howlgallo dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah Dadka degaanka iyo Xoogaga Amaanka Kenya.

Weerarkaan ayaa yimid maalmo kadib markii Ethiopia ay sheegtay inay fashilisay weerar ismiidaamin ah oo kooxdaasi ay ka fuliyeen magaalada xadka ku taal ee Doolow, kooxda Shabaab oo lala xiriirinayo Al-Qaacida, ayaa muddo 15 sano ah waday weeraro hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladaha Kenya & Somalia.

260960cookie-check8-Askari Oo ka tirsan Boliiska Kenya oo lagu dilay Qarax looga Shakisan yahay Kooxda Shababka..