Xildhibaan ka tirsan Puntland oo Xalay lagu Weeraray Magaalada Garoowe

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday hoygiisa Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland, kadib markii si kulul uga hadlay Doorashada Degmooyinka Gobolka Nugaal…

Xildhibaanka oo hadlayay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay inuu weerar ku socday muddo shan iyo toban daqiiqo ah isla markaana uu ku dagaalamayey dhagax maadaama uusan waardiye wadan isaguna hub sidan, wuxuuna intaasi raaciyay “waxaana ka imid Hoteelka Martisor, iyadoo iga soo raacay laba Gaari, iyagoo iga daba yimid gurigeyga isla markaasna igu horgooyay Gaari kale, waxaana ka soo degay ilaa 5-ta Nin oo wajiyada u xiran yihiin, waxaana lagu bilaabay Rasaas inkastoo ay kor u ridayeen hadana waxey ii geysteen jir dil.

Weerarka lagu qaaday xildhibaan Dhaashane ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Shacabka Garoowe dariiqyada ku arkayeen waraaqo digniina oo ka dhan ah inaan la furin dastuurka Puntland, Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wadaa lagu inuu furmo kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo lagu wado in looga doodo ajandayaal uu kamid ah dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

260920cookie-checkXildhibaan ka tirsan Puntland oo Xalay lagu Weeraray Magaalada Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com