Maxaabiistii Boosaaso Ka Baxsatay Oo Qaarkood La Dilay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya maleeshiyaadkii Kooxda Shababka Eedeeyay ee weerartay Xabsiga Magaalada Boosaaso isla markaasna sii daayay Maxaabiistii ku jiray (400-maxbuus), ayaa la sheegay iney qaarkood ay khaarijiyeen, kadib markii ay geeyeen buuraha ku xeeran Magaalada Boosaaso….

Saraakiil ka tirsan Hey’addaha Amaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in 2 Horjooge Sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacishta Somalia ayeey dileen Kooxaha Shababka kuwaasoo magacyadoodu lagu kala sheegay Ina Toojle iyo ina Khuurshe oo ka soo jeeda Degmada Qandala ee Gobolka Bari (Puntland).

Dhanka kale Saraakiisha u xilsaaran baarista Howlgalkii Maxaabiista lagu siiyay ayaa la sheegay iney xireen Madaxii Maamulka maxaabista Ee Xabsiga Jaamac Dheere oo lagu Eedeeyay inuu ku lug lahaa fududeynta weerarka.

Sidoo kale waxaa la xiray Madaxii Caafimaadka Xabsiga Ibraahim iyo Haweeney kaaliye u aheyd kuwaasoo loo xiray tuhuno la xiriira Xabsiga iyo Maxaabiista.

100850cookie-checkMaxaabiistii Boosaaso Ka Baxsatay Oo Qaarkood La Dilay