Maamul Diiday Ka Qeyb Galka Ciyaaraha Gobolada

Somalia news

Tartanka Ciyaaraha kubada cagta ee Maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ee lagu wado in 20-ka bishan ka furmo Garoonka Kubada Cagta ee stadio Cons ee Degmada Cabdicasiis ayaa ka qeyb galkiisa waxaa ka biyo diiday ciyaartoyda matalaya Hirshabelle….

Qoraalka kasoo baxay Maamulka Ciyaaraha ee Hirshabelle ayaa lagu sheegay in ay go’aansadeeen in ay isaga haraan ka qeyb galka tartanka, kadib markii balamo looga baxay ayna waayeen goobo la dejiyo ciyaartoyda iyo wafdiga la socda.

Warkan kasoo baxay Maamulka Ciyaaraha Hirshabelle lana ogeysiiyay Madaxweynaha maamulkaasi iyo Wasaarada Ciyaaraha Xukuumada Somalia ayaa Hirshabelle sheegtay in cadaalad daro iyo kala eexasho lagu sameeyay ciyaartoyda maamulada ka socda.

80000cookie-checkMaamul Diiday Ka Qeyb Galka Ciyaaraha Gobolada