Share the post "Farmaajo Oo Shirkadaha Iyo Ganacsatada Ka Codsaday Teegeero Dhaqaale"
Macluumaad ayaa laga helayaa qeylo Dhaan uu Hogaamiye kooxeedka soo daahay Farmaajo u diray Shirkadaha, Xawaaladaha iyo Ganacsatada Magaalada Mogadishu, kuwaasoo uu ka dalbay iney la soo gaaraan dhaqaale (Taageero) tabarucaad ah oo uu ku fasiray garab istaaga Dowladnimada….
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Shirkadaha safka hore lagu qiimeeyay sida Hormuud iyo Dahabshiil oo kale waxuu dul dhigay hogaamiye kooxeedku lacag dhan hal Million oo US$ ah.
-Xawaaladaha safka labaad waxuu dul dhigay 500-kun oo US$ ah.
-Ganacsatada gacanta sadexaad waxuu dul dhigay 100-kun oo US$ ah
Qeylo dhaantaan ayaa kusoo beegmatay xili uu Farmaajo Xafiisyada Jaamacada Carabta u baryo (Dawarsi) ugu diray Wakiilkiisa Arimaha dibada Wiilka ku abtirsada Kacaanka M.Cabdirisaaq si uu ubaadigoobo wuxuun dhaqaale ah.
Lama yaqaan in Beelaha Hawiye ganacsatadoodu bixin doonaan ajuuradaasi la dul saaray, Hogaamiye kooxeedku waxuu dareemayaa Bashi dhaqaale oo ku doonaayo inuu ku kala yareeyo culeysyada ka saaran Gobolka Gedo.