Banaanbaxyo Laga Abaabulaayo Magaalada Mogadishu

Somalia news

Kadib Warbixintii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee UN-ka kuna aadaneyd Ciidamada Somalia oo sifo sharci darro ah looga qeyb geliyay Dagaalada iyo xasuuqa ay ka wadaan Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea ee Gobolka Tigray, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Ababul Banaanbaxyo oo laga wado Magaalada Mogadishu…

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ayaan weli caddeyn mowqifka ay ka taagan yihiin Warbixinada UN-ka Ee lagu xaqiijiyay in Ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaal galeen Magaalada Aksum ee Gobolka Tigray ee Waqooyiga Ethiopia, waxaana la sheegay in abaabul xoogan uu ka socdo Magaalada Mogadishu kaasoo la doonaayo in Banaanbaxyo balaaran laga dhigo caasimada.

Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare Mr.Abshir Bukhaari ayaa Xukuumada xil gaarsiinta ku dhaleeceeyay aamusnaanta, wuxuuna sheegay “Aamusnaanta Hogaanka Hey’adaha Dowladda waxey muujineysaa in Ciidamo Soomaaliyeed si sharciga ka baxsan loogu qaaday Eritrea, Dalkaasi ayaa waxaa ka taagan gabood-falo dhan ka ah Xuquuqda Aadanaha”, wuxuuna sheegay inuu ka qeyb qaadan doono sidii Loo abaabuli lahaa in Maxkamad la soo tashi Hogaanka Dowladda Ee muddo xileedkiisu dhamaaday.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxaa tababaro loogu qaadi jiray Dalalka Uganda, Djibouti, Turkey, Howlgalka Ciidamadaan loogu qaaday Eritrea wou ka duwan yahay, maxaa yeelay Waxaa maamulaayay Hogaanka Villa Somalia iyo NISA, waana laga qarxiyay Shacbiga iyo Wasaarada Gaashandhigga, iyadoo Sidoo Hogaanka Baarlamaanka uu ku lug leeyahay fadeexadaan.


123640cookie-checkBanaanbaxyo Laga Abaabulaayo Magaalada Mogadishu