Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland Ayaa Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay 3-Sarkaal iyo Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka kana goostay, waxeyna cafis weydiisteen Maamulka Hargeysa iyo Shacbka degaandaasi…
Kooxdaan ayaa sheegay in qaarkood ay Tababaro ku soo qaadeen Dalka dibadiisa waxeyna sheegeen in lagu khalday midnimada Somalia, iyagoo sheegay in darajooyin iyo xilal ka hayeen Qaab dhismeedka Ciidamada Dowladda, waxeyna magacyadoodu kala yihiin:-
-L/X/le Jaabir Ismaaciil Cusmaan oo ka tirsanaa Ciidamada Guutada Danab.
-X/le Maxamuud Axmed Cali Oo ka tirsanaa Ururka 4-aad Ee Guutada Danab.
-X/le Yuusuf Axmed Jaamac oo Ciidamada Dowladda Federaalka ka tirsana
-D/le Maxamed Xasan Xaashi oo ka tirsanaa Guutada Gorgor.
1082400cookie-check3-Sarkaal & Askari Ka Baxsaday Ciidamada Dowladda