Qeybaha Warbaahinta Dowladda Oo Adeegsaday Shaqsiyaad Argagixisada Xiriir La Leh

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujinayaa in Qeybta Warbaahinta Villa Somalia, Xafiisyada Qaabilsan dacaayadaha ee Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Agaasinka NISA iyo Kooxaha Dacaayadaha u Xil saaran (CBB), ay si mideysan u howlgeliyaan Kooxo kala duwan oo qaarkood xiriir wada shaqeyn kala dhaxeyso Kooxda argagixisada Shababka….

Khubarada falanqeeya Arrimaha argagixisada, ayaa in muddo ah ka digaayay inuu xiriir dhow uu ka dhaxeeyo Xafiisyada kor ku xusan iyo Kooxo taageerayaal ah beenta iyo borobogaanada u faafiya kuwaasoo dhaqaale lagu siiyo sidii ay Warar been abuur ah u baafin lahaayeen loona khaldo ra’yiga Shacbiga Soomaaliyeed.

Waa sababaha ay iskugu xiran yihiin Xafiisyadaasi iyo Dhalinyarada kasoo jeeda Somaliland oo xiligaan ka mid ah CBB-da ee Saxaafada uqaabilsan, Aragtida midaysa waa raxmada iyo soo dhaweynta ay u hayaan Kooxda argagixisada Shababka iyo Horjoogahoodii Hore (Godane).

Lifaaqay eeg Shaqsigaan oo xiligaan ah Wariye la yaqaan oo caadi kuna xiran Xafiiska Ra’iisul wasaare kuxigeenka bil walba dhaqaale loogu diro si uu dacaayad u fidiyo, isagoo u dhaaranaaya wada shaqeynta Kooxaha argagixisada iyo Xafiisyada Villa Somalia.

108200cookie-checkQeybaha Warbaahinta Dowladda Oo Adeegsaday Shaqsiyaad Argagixisada Xiriir La Leh