Xiisado Colaadeed oo dib uga soo Cusboonaaday Waqooyiga Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo (Puntland) ayaa sheegaya inuu dib u soo cusboonaaday xiisado colaaleed oo u dhaxeysa 2-beel oo wada degmadaasi kaasoo salka ku haya muran dhul oo sababay dhimasho, Dhaawacyo iyo barakicin…

Wararka ayaa sheegay in xiisadani oo lagu eedeeyay Maamulka Puntland inuu ka gaabiyay xalinteeda isla markaasna aysan xakameyn Dadka rayidka ee ka qaxay dirirtaan, inkastoo ay kukamo la yeesheen Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Beelaha Biciid-yahan iyo Cumar Maxamuud, iyadoo dhiiladaan ay la xiriirto dhacdooyin horey u dhacay.

Maamuladii soo maray Puntland ayaa la sheegay iney wakhti badan gelin jireen soo af jarida dagaalada Beelaha balse Mr.Dani oo haatan uusan xiriir wanaagsan la lageyn Odayaasha Dhaqanka degaanka, kadib markii lagu kala tagay Xulustii Xildhibaanada Federaalka ee ka soo galayay Waqooyiga Gobolka Mudug.

229690cookie-checkXiisado Colaadeed oo dib uga soo Cusboonaaday Waqooyiga Gaalkacyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com