Geedi Oo Looga Yeeray Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia looga yeeray Ra’iisul wasaarihii Hore Cali Maxamed Geedi oo muddo Caro ugu maqnaa Magaalada Nairobi, waxaana lagu wadaa in isla Caawa uu la Kulamo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo culusyo iyo cabsi ka soo food saartay Degaanada Waqooyiga Magaalada Mogadishu….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Geedi oo Wiilkiisa Qandasaaryadii iyo Shaqadii Xafiisyada Wasiirka 1-aad laga joojiyay muddo sii horeysay, isla markaasna dib ugu laabtay Dalka Mareykanka halkaasi ka faray Gaari Xamuulka qaada, ayaa la sheegay inuu Mr.Geedi dhowr jeer Mr.Farmaajo ugu tagay sidii Wiilka loogu celin lahaa shaqadiisa isla markaasna oo waxba aan laga soo qaadin ayaa hadda looga baahday inuu kala furfuro Xoogaga Hubeysan Ee Waqooyiga Magaalada Mogadishu ku sugan.

Cali Geeddi ayaa Farmaajo u balanqaaday inuu soo afjari doono culeyska ka heysta mucaaradka iyo beelaha dega magaalada Muqdisho. Isagoo durbadiiba la xiriiray Xubno Ka soo jeeda Waqooyiga oo ka tirsan Mucaaradka kuwaasoo uu balanqaaday in Dhaqaale iyo Xilal lagu abaal marin doono hadii ay ka qeyb galaan Abaabulkaan.

110220cookie-checkGeedi Oo Looga Yeeray Villa Somalia