Sidee Dowladda Federaalka uga Gudbi kartaa Nidaamka Kooxeysiga ku Dhisan

Somalia news

30-kii sano ee u dambeeyay Dalkaan waxaa la degay Nidaam qariban oo is-kooxeysi ku dhisan, kuwaasoo Dalka u horseeday Musuqmaasuq baahsan, eex iyo burbur, iyadoo laga soo bilaabo 2009-kii aragtidaan Kooxeysiga iyo Mulkiilaha ku dhisan uu dabar ku xiray horusocodeenka Dowladnimo…

Muwaadiniin badan ayaa aamisan in la gaaray xiligii laga gudbi lahaa kooxo dano gaar ah wata oo Sharciga aan iyaga qaban, kuwaasoo wax u dhimay Sharfakii iyo heykalkii Dowladnimo, waxeyna u badan tahay in arrinkaan uu sii socon doono hadii aysan Kooxdaan Xilka la wareegtay ku dhiiran iney diidaan Nidaamkaan Fashilka ah.

Ujeedada ugu muhiimsan ee Dowladda waa iney u adeegto Shacbiga Soomaaliyeed ayna ka dhabeyso Balanqaadyada ay ku dhawaaqeen xilligii Ololaha Doorashada, iyadoo laga dhabeynaayo Dhaarta la maray, haddi laga gaabiyo fulinta balanqaadyada, waxa la fishaa waa Guul darro.

Dowladda cusub waxey heystaa Fursad qaali ah oo dib u soo celin karta kalsoonida Shacbiga oo ku dhisan Dowladnimo iyo nidaam cadaaladeed, hadii wadadaasi laga leexdo waxey fursada luntay ku riixi kartaa khatar aan laga gudbi karin oo Dalkaan u horseedi kara burbur iyo mustaqbal mugdi ah.

193180cookie-checkSidee Dowladda Federaalka uga Gudbi kartaa Nidaamka Kooxeysiga ku Dhisan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com