Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Doortay Gudoomiye

Somalia news

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisioni Maanta ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban ee heer Federaal, kadib markii kulan ay Guddigaasi yeesheen, iyadoo ay Xilka isku soo sharaxeen 2-Musharax…

Goobta Doorashada Oo ay soo xaadireen xubnaha uu Guddigaan ka kooban yahay, waxaana la sheegay in Musharixiinta kala ah Maxamed Cawil Warsame & musharax Mustaf Macalin Cali, ay xilkaasi isku soo sharaxeen, iyadoo markii dambe tanaasulay Mustaf.

Kadib xubnaha Guddigaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey musharrax Maxamed Cawil oo sidaasi ku noqday guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, Maxamed ayaa ku cusub guddiga wuxuuna ka mid yahay xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Guushaan Waa tii labaad ee uu helay Wasiirka 1-aad, kadib markii dhowaan xilka Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadba loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhinaca Puntland, kadib markii ay garab siiyeen Saciid Deni iyo Ra’iisul wasaaraha Somalia.

163340cookie-checkGuddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Doortay Gudoomiye