Hogaamiye Kooxeedka soo daahay Farmaajo ayaa xiligaan wuxuu Teendhada Afisyooni shir kula leeyahay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+, shirkan ayaa ah kii u horreeyay ee labada dhinac dhex mara, tan iyo markii todobaadki hore Golaha Shacabka ay muddo kordhin labo sano u sameeyeen Farmaajo….
Dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, UK, wadamada Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka, iyagoo ku tilmaamay mid wiiqeysa xasiloonida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in dib loo bilaaboo wada hadalada.
Ilo ku dhow dhow Kulanka Afisyooni uga socda Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegaya in shirka uu ahaa mid ay dalbadeen Beesha Caalamka, si ay ugu gudbiyaan farriin adag oo kama dambeys ah oo la xiriira go’aanka ay ka qaateen muddo kordhinta, lama oga tallaabooyinka waxa ay yihiin laakiin waxa dhici karta inay u caddeeyaan shaqsiyaadka ay saameynta ku yeelan karto cunaqabateynta horay Mareykanka iyo Midowga Yurub ku hanjabeen.
Hogaamiye Kooxdaan oo muddo dhowr bilood diiday inuu wada xaajood ka galo Khilaafka Doorashada iyo Ciidamada Gobolka Gedo, ayaa hadda la sheegay in fariin kama dambeys ah loo gacan geliyay, waxaana la sheegay in kulamo dhan ka ah oo Farmaajo Kalsoonida looga noqonaayo ayaa la filayaa in todobaadkaan qabtaan Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland Kulanka Loo balansan yahay Ee maalinta Isniinta soo socota Ee Beelaha Hawiye.