Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Caasimadda

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Xiisadihii colaadeed ee u dhaxeeya Maamulka Fashilmay ee Farmaajo iyo Ciidamada taageersan Saadiq John ay ku jiraan diyaargowrgii ugu dambeeyay iyo dhufesyo iyo howlo-jidgooyooyon ah Ayaa laga soo sheegaya…

Xoogaga Hubeysan Ee Shiirkole:- ayaa lagu soo waramaya in shacab iyo ciidamada Saadaq John oo iskaashanaaya ayaa ku jira diyaargarow dhufeysyo, sdioo kalana la jaray dhammaan Wadooyinka soo gala degaanka Shiirkole, sidoo kale waxey Taageerayaasha Sarkaalka Banaanbaxyo ka wadaan Wadada Trabuunka.

Ciidamada Dowlada ayaa dhankooda ka wada diyaargarow, waxeyna gaadiidka Qafilan ku jareen Isgoysyada Shaqaalaha, Km-4, Sayidka iyo Dabka iyagoo difaac ka galay halkaasi, xaalada ayaa ah mid cakiran oo u muuqata in Aagag la kala xirtay, saansaanta ayaa muujineysa in Wadadii wada hadlka uu soo xirmay.

111710cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Caasimadda